Sabtidii Maxaa ka dhacay Xaafada Baraxlay ee Gaalkacyo

Ciidamo Isla Deegaanka ah oo Sanad ka hor ku biiray Ciidamada Danab ee Dowlada Federaalka ayaa in Mudo ah waxaa Saldhig u ahaa Isteeshanka Xaafada, Ciidamadaan waxay Mushaarka ka qaataan Dowlada Federaalka ah.

Jamcadii ayaa Saldhiga lagusoo Xiray Sadex Qof oo Ciidamada Puntland ay soo dalbadeen in lasoo qabto maadaama uu soo galay raad Al-Shabaab ah. Soo qabashadoodii kadib Waxaa nimankii laba kamida loo gudbiyey Ciidamada Sirdoonka Puntland, waxaana loo badinayaa in Garowe loo gudbiyey, Ninkii Sadexaad waa la sii daayay.

Sabtidii shalay ahayd ayaa Maleeshiyad hubaysan waxay soo weerareen Saldhiga si ay Xoog ugusoo furtaan Dadkii la xiray, laakiin kama aysan warhayn in Nimanka loo dhaafhiciyey Puntland.

Dagaal Mudo kooban ka socday kadib Ciidamadii Danab Xoog ayaa looga saaray Saldhigii, Waxayna ka guureen Xaafada Baraxlay oo dhinaca Puntland ayay usoo talaabeen oo ay hada ku sugan yihiin.

Khasaaraha Dagaalka

Ciidamada Danab oo Saldhiga Xaafada Baraxlay lagusoo weeraray waxay Dileen Sadex Maleeshiyaadka ka tirsan kolkii hore ee Dagaalku bilowday, mudo kooban kadib Gurmad ayaa wuxuu soo gaaray Maleeshiyaadkii soo weeraray Saldhiga, Dagaalkii ayaa sii Xiogaystay kasoo. Dhaliyey dhimasho hor leh oo ahaa Shan dhinaca Ciidanka Dowlada ah iyo laba Maleeshiyaadkii ah, tirada Guud ee dhimashadu waxay noqotay shan Maleeshiyada ah iyo Shan Ciidanka Danab ah, dhaawaca Guud waa Sagaal.

Xaalada Guud ee Xaafada Baraxlay Magaalada Gaalkacyo Saaka oo Axada aad ayay u degan tahay.

Puntlandi.com Gaalkacyo