Faahfaahin Xaalada Xaafada Baraxlay oo hada degan kadib iska hor imaad ka dhacay Xaafada

Xaalada ayaa hada degan kadib weerar ay Maleeshiyada Xaafada Baraxlay ay ku qaadeen Saldhiga Xaafada oo ay gacanta ku hayaan Ciidan ay Dowlada Federaalku Mushaar siiyaan .

Ilaa Sadex Qof ayaa ku dhintay weerarka dhaawuna waa 5 Qof sida ay Puntlandi.com ay u xaqiijiyeen Wariyayaal ku sugan Xaafada.

Rasaas xoogan ayaa la isweydaarsadey iyadoo mudo 40 daqiiqo ah uu weerarkii socday inkastoo mar uu istaagay hadana dib ayuu qarxay Dagaalku.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta rasmiga ah ee keenay Dagaalka, wararku waxay sheegayaan in Maleeshiyaadka weerartay Saldhiga ay doonayeen inay Xoog kulasoo baxaan Maleeshiya kale oo ku xiraa Xabsiga .

Saaka barqadii ayay hor fariisteen Saldhiga, Wadahadal ayaana u socdey mudo saacado ah oo Odayaal ayaa kukala dhex jiray, balse laguma guulaysan, kadibna Dagaalka ayaa qarxay.

Hada xaaladu aad ayay u degan tahay.

Puntlandi.com Gaalkacyo