Breaking News— Faahfaahin Dagaal ka dhex Qarxay Maleeshiyada Baraxley Iyo Ciidanka Dowlada Federaalka ee isla Xaafadaha

Maleeshiyo ka tirsan Maleeshiyaadka Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxay jidgooyo dhigteen irada hore ee Saldhiga oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowlada Federaalka ee Xaafadaas.

Goor dhaweyd oo duhurkii ah ayaa Xabad la isku bilaabay, lamana oga sababta dhalisay in Xerada la weeraro.

Dagaal Rasaas culus loo adeegsanayo ayaa hada socda, khasaaraha Dagaalka Lama oga ilaa hada.

Xerada ay Maleeshiyadu weerartay waxaa degan Ciidan isla Reer Galmudug ah balse ay Mushaarka siiyaan Dowlada Federaalku, badankoodana waxay ka mid ahaan jireen Maleeshiyada Xaafada.

Ciidamada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa heegan la galiyey Markuu Dagaalku bilowdey, Shacabka xiga Xaafadaasna waxaa loogu baaqay inay Guryaha ku jiraan inta xaaladu degayso.

Dhuusamareeb wali wax wara oo ku saabsan Dagaalka kamasoo bixin.

Puntlandi.com Gaalkacyo