Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Maleeshiyo isku haya Xaafada Baraxley ee Gaalkacyo

Saaka waxaa Koonfurta Gobolka Mudug laga cabsi qabaa in uu Dagaal dhex maray Laba amaleeshiyo oo midkood ay Mushaar ka qaataan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyaad hubaysan ayaa saaka hor istaagey wada gasha Xero ay degan yihiin Ciidan ka Amar qaata Dowlada Federaalka, ilaa hada wax Dagaal ah ma uusan dhicin laakiin waxaa laga cabsi qabaa iney is rasaaseeyaan labada dhinac.

Lama oga waxa sababay Xurguftaan u dhaxaysa labada dhinac oo horay ugawada tirsanaa Ciudamada Galmudug.

Wixii Faahfaahin ah kala soco Puntlandi.com