Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyey in Kiiska Bada dib loo dhigo, waatan cadeyntii

Maxkamada Caalamiga ah ee u horyaal Kiiska muranka Bada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamudu waxay shalay oo jimce ah soo saartay Warsaxaafadeedkii ay dib ugu dhigtay Kiiska.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in dib loo dhigayo Kiiska Bada, Warsaxaafadeedkaan wuxuu muujinayaa in Maxkamada oo aan wax go’aan ah gaarin ay Kenya iyo Soomaaliya ay isla meel dhigeen in Kiiska dib loo dhigo, kadibna waxay u gudbiyeen Maxkamada in Labada dhinac isku afgarteen in Maxkamada dib loo dhigo.

Maxkamadu markii ay heshay Codsiga labada wadan ay ku mideysan yihiin waxay shalay go’aamisay in Kiiska dib loo dhigo iyadoo Maxkamadu xurmaynayso go’aanka Mideysan ee labada dhinac

Waxaa hada muuqda in ay jiraan waxyaabo la qarinayo, waayo Maxkamada oo aan go’aan gaarin ayaa Raysal wasaare Xigeenka Soomaaliya wuxuu sheegay in Maxkamada Aduunku ay Kiiska dib u dhigtay kadib codsi ka yimid Kenya.

Laakiin Xaqiiqda jirtaa waxaa weeye Kenya waxay dowlada Federaalka ka dhaadhiciyeen in Kiiska dib loo dhigo, markaas kadib ayay si wada jir ah labadaan dhinac ay Maxkamada ugu gudbiyeen inay isku raaceen Kenya iyo Soomaaliya in Kiiska dib loo dhigo, go’aankii maxkamadana wuxuu dhacay Shalay oo Jamce ahayd, oo warsaxaafdeedku soo baxay.

Hooska akhriso warsaxaafadeedka oo ku taariikhaysan Jamce 22/5/2020