Shacabka Puntland oo u hogaansamay Amaradii Dowlada ee ahaa “Guryaha halagu tukado Ciida”

Waxaa muuqata in Shacabka Puntland ay maqleen Amaradii ay Xukuumadu ku manuucdey in la isugu soo baxo goobihii caadada ahayd in lagu tukado Ciida.

Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland waxay Shacabku ku tukadeen Guryohooda mana jirin Salaad jameeca ah oo la isugu yimid.

Tani waxay muujineysaa in Culumada iyo Madaxda Xukuumadu ay ku guulaysteen inay Shacabka gaarsiiyeen Fariin muhiim ah.

Suuqyada Garowe, Gaalkacyo Bosaso iyo Baran waxay ahaayeen kuwovaad u mashquulsan maanta, Waxaana moodaa in Shacabku ay isaga dhowaayeen intuu lagu amray iney isu jirsadaan.

Masaajidyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho waa lagu tukaday Cidii, waxay tanina muujineysaa in Reer Muqdisho ay iska dhaga tireen Talooyinkii Dowlada iyo Waxaha Caafimaadka.

Puntlandi.com Garowe