Dowlada Federaalka oo la eedeeyey kadib markii Kumanaal Qof ku tukadeen Masjidka Isbahaysiga

Saaka waxaa Salaadii Ciida lagu tukadey Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho iyadoo uu Magaalada fara kulul ku hayo Xanuunka Koroona Feyruska.

Inkastoo xiligii Salaada la tukanayay ay Dadku isu jireen hal mitir hadana markii laga baxay Salaada Dadku waxay isdhoobeen Barxada Masjidka iyaga oo Garabka isku haya.

Arintaan Waxaa ka hadley Culumo iyo Siyaasiyiin kuwasoo sheegey in aysan Xukuumadu wax masuulka aysan iska saarin, Si Shacabka looga ilaaliyo fidida Xanuunka Covid19.

Dhakhtar ka howlgala Muqdisho oo Idaacadaha ka hadley wuxuu sheegey inuu aad uga baxay markuu arkay qaabka Ay garbaha isugu hayaan Shacabkii dhoobnaa barxada Masjidka Isbahaysiga, wuxuuna ku tilmaamey Khatar weyn.

Madaxda Dowlada Federaalka iyo Masuuliyiinta Gobolka Banaadir kama aysan soo qayb galin Salaadii Ciida.

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com Muqdisho