Caalamka oo idil Soomaaliya qura ayaa laga Ciidey

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Xalay ku dhawaaqay in Ramadaan ay ugu dambeysay Jamcadii, Sabtidana ay Ciid tahay kadib Markii Deegaanadaas laga Arkay Bishii.

Soomaalida Nairobi ayaa Xigtay oo iyana ku dhawaaqdey in Sabtida la Ciidayo, Jigjiga ayaa xigtay , Muqdisho ayaa iyana looga dhawaaqay ugu dambeyntiina Puntland iyo Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay in Sabtida laciidayo.

Laakiin Caalamka oo idil meesha maanta oo Sabti ah laga Afuran yahay Waa Soomaaliya, Dadka Muslimiinta ah ee Kenya iyo Itoobiya Way Sooman yihiin maanta oo Sabti ah, Waxa Ciidaya waa Soomaalida oo Qura.

Saqdii Dhexe Xalay ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu Bartiisa Facebook uu soo dhigay Video uu Shacabka ugu Ciideynayo.

Dalalka Islaamka oo adeegsanaya Qalab casriya waxay Shalay Makhribkii ku daaleen siday Cirka u fiirinayeen, Wayna ka quusteen iney arkaan bishii, Sidaas awgeed waxay ku dhawaaqeen in Axada la Ciidayo.

Taariikhda Soomaaliya waa markii ugu horaysay oo Soomaaliya oo Qura laga Cidii Aduunka, Soomaalida Ku nool Qurbaha way Soomanyihiin Maanta oo Sabti ah, waxayna Ciidayaan Axada.