Madaxweyne Farmaajo “Ciid wanaagsan”

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in beri oo sabti ah ay Tahay Maalinta Ciida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed u diray Hambalyada Ciida, wuxuuna Bulshada u rajeeyey Ciid wanaagsan.

Kismaayo ayaa ahayd meeshii u horaysay oo looga dhawaaqay in Sabtida ay Ciid tagay, saacad kadib ayaa Culumada Nairobi ay ku dhawaaqeen in Sabtida ay Ciid tahay.

Saacad iyo bar kadib ayaa Muqdisho looga dhawaaqay in Bishii Kismaayo laga arkay islamarkaasna Dowlada Federaalka ayaa ku dhawaaqday inay Dabtida ay Ciid tahay.

Wasiirka Diinta ee Dowlada Federaalka Sheikh Nuur Maxamed ayaa ugu dambeyntii shaaciyey in Sabtida 23/5 ay tahay Ciid.

Garowe iyo Hargeysa wali loogama dhawaaqin in ay Sabtida Ciid tahay, walow horay ay u shaaciyeen in Ciida ay Axada tahay

Puntlandi.com Garowe