TACSI : – Allaah ha u naxariistee Sheekh C/raxmaan Sheekh Muxiyadiin Celi oo maanta ku geeriyooday magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Jimce 21.05.2020 ku geeriyooday magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiyadiin Celi.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiyadiin Celi oo ka soo jeeday Qoys Somaaliyeed oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamka ayaa ahaa Caalin Daaci ah,Macalin laga aflaxay, Aqoonyahan Bashaash oo Dadku u siman yihiin oo mudo badan u khidmeynaayey, wakhti badana ku bixiyey Difaaca Diinta Islaamka iyo Sharafta Shacbiga Somaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden.

Waxaa halkan Tacsi ka diraaya :

Xaaji Cabdullaahi Xaashi Lugey

Xaajiyo Aamino Cali Guure

Dhamaan Qoyska Reer Xaashi Maxamed.

Sidoo kale dhamaan Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden waxay Tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan Dhamaan Qoyskii, Awlaadii, Ehelkii,Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaaliyeed ee ku dhaqan Sweden ee uu ka baxay Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiyadiin Celi , waxayna Allaah uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana Rabbi Naxariis iyo Denbi dhaaf uu siiyo.