Aasaasihii Amiin Ambulance oo qaab Qabiil loo xiray kadibna maanta lasiidaayay

Kadib markii shaqada laga eryey laba kamida Shaqaalaha u shaqaynayay Amiin Ambulance oo Hay’ada Gaadiidka Caafimaadka Deg Dega kana howlgasho Muqdisho ayay waxay soo kaxaysteen Ciidan ay isku heyb yihiin kuwasoo Xabsi dhigtay Aasaasihii Amiin Ambulance.

Maanta ayaa xabsigii lagasoo waayey kadib markii ay kadsba tageen Odoyaal.

Ciidamada Xabsiga dhigtay DR.Cabdulqaadir waxay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowlada Federaalka.

DR.Cabdulqaadir wuxuu Sheegay in Hogaanka Shaqaalaha iyo Shaqada Amiin Ambulance ay asaga mar hore ugu dambeysay, uusana waxba kala socon Dadka lashaqaalwryo iyo kuwa shaqada laga eryo.

Amin Ambulance waxay ka howlgashaa Muqdisho waxayna leedahay dhowr Aambalaas oo badanaa u Gurmada Goobaha ay Qaraxyadu ka dhacaan si ay Dhawacyada u gaarsiiso Goobaha Casfimaadka, Waxaa maalgaliya Hay’adaha Deeq bixiyaasha.

Puntlandi.com

Muqdisho