Dhamaan Siyaasiyiinta u miisaanka Culus uma kala harin doodii Xalay ka dhacdey Garowe

Dood ay soo qabanqaabisay Hay’ada PDRC iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo ka dhacdey Xarunta Hay’ada ee Garowe ayaa waxay ku saabsanayd Doorashada Soomaaliya, .

Dooda Waxaa kasoo qaybgalay Dhamaan siyaasiyiinta ugu miisaanka Weyn Puntlandi iyagoon u kala harin, Saciid Cabdullaahi Deni, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdirsaaq Jurile, Cabdi Faarax Juxa, Cabdulqaadir Gacmadheere, Xildhibaan Sacdiya Dalaad iyo Cali Xaaji Warsame ayaa kamid ahaa ragii halkaas uga qayb galay Dooda.

Dooda Waxaa lagu lafaguray Doorashada Soomaaliya waxayna Masuuliyiinta isla meel dhigeen in Xiligaan ay wali tahay Doorashada la sheegayo ee Qof iyo Cod,

Waxay isku mid ka ahaayeen Siyaasiyiinta in Doorashada Soomaaliya ay u dhacdo sida igu Macquulsan ee Dhamaan Saamilayda Soyaasda Soomaaliya ay ku wada qanacsan yihiin marka laga reebo Mowqifkooda qar iska xoornimadii ah ee sheegaya Soomaaliya waxaa ka dhacaysa Doorasho Xor ah.

Waxay kaloo Doodayaashu isugusoo dhawaaqeen in Doorashadu ay dhacdo haday dhici karto, taasna waxaa kawada tashanaya Saamilayda Siyaasada.

Goordhow naga filo Video dhamaystiran