Baaqii Jubbaland oo Golaha Amaanka QM gaaray, Dowlada FEderaalka oo la eedeeyey

Warbixin ay maanta dhagaystaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Xaalada Soomaaliya, Amaanka, Doorashada iyo Caafimaadka.

Qaramada Midoobay waxay walaac weyn ka muujiyeen Doorashada lasugayo iney Dalka ka dhacdo, waxaa Warbixinta lagu sheegey in Saamilayda Siyaasada ay aad ugu kala fikir duwan yihiin Qaabka iyo nooca Doorashada waxaana taas loo aanaynayaa Khilaafka Wakhtiga dheer soo jiitamayay ee u dhexeeya Madaxda Dowlada Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa aad loo dhaleeceeyey waxaana Dowlada Federaalka lagu eedeeyey in ay Dagaal ka huruyeen Deegaano nabad ahaa ayna si Sharci daro ah u adeegsadeen Ciidamada Dowlada Federaalka.

Warbixinta Golaha Amaanka ee uu gudbiyey Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxay aad u dhaliilaysaa Ciidamada Loo adeegsadey Gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland.

Puntlandi.com