Xulufaysi ka dhan ah Dowlada Villa Soomaaliya oo sii xoogaysanaya

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday guux siyaasdeed oo iskasoo horjeeda iyo isgaashaan buursi cusub.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa wuxuu maalmahaan wadaa kulamo hoose oo la qaadanayo Xildhibaanada iyo qaar kamid ah Hogaamiyayaasha Xisbiyada.
Xog ah Warbaahinta Puntlandi heshay ayaa xaqiijinaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Qaar kamid ah Xildhibaanada ugu saameynta weyn Baarlamaanka Federaalka ay ku heshiiyeen in si deg deg ah loo bilaabo u diyaargarowga Doorashada.
Tani waxay muujinaysaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Villa Soomaaliya ay kukala aragti duwan yihiin Doorashada.

Dad aad ugu dhow Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyey in Gudoomiye Mursal uu xiriir la sameeyey Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed, isxulufaysigaan cusub wuxuu culays siyaasadeed ku noqdey Villa Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu kaloo khadka Teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Wax yar ka hor Kulan online ahaa oo dhex marayey Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirada Beesha Caalamka kulankaasoo Beesha Caalamku ay axmed Madoobe kala tashanayeen Doorashada Soomaaliya 20/21.

Madacada meesha uu ku socdo ololaha siyaasadeed ee uu bilaabay Gudoomiayah Baarlamaanku, waxaase cad in ololhaan uu yimid xili ay Beesha Caalamku ay ka biyo diiday qaabka ay Dowlada Federaalku u maraynayso u diyaargarowga Doorashada.

Puntlandi.com
Muqdisho