TACSI : – Allaah ha u naxariistee Marxuumad Sahra Axmed Oor oo caawa ku geeriyootay magaalada Boston ee USA.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa caawa oo ah Sabti 25.04.2020 ku geeriyootay magaalada Boston ee cariga Mareykanka Marxuumad Sahra Axmed Oor.

Jaaliyada Somaaliyeed ee Danmark iyagoo ka tiirneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuumad Sahra Axmed Oor waxay Tacsi u dirayaan Dhamaan Qoyska Reer Axmed Oor,Awladii, Ehelkii iyo dhamaan Asxaabtii ay marxuumadu ka baxday, waxayna Alle uga baryayaan in uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay sidaa si la mid ah Tacsi gaar ah u dirayaan Walaal Dr.Siciid Axmed Oor geeridaa ku timid walaashiis Sahra Axmed Oor, waxayna Marxuumada Allaah uga baryayaan in uu siiyo Denbi dhaaf iyo Naxariis waasic ah.