TACSI : – Madaxweynaha Puntland oo Tacsi u diray Umadda Somaaliyeed Geeridii ku timid Halyeygii Weynaa ee Axmed Ismaaciil Xudeydi

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

GEERDI WAA XAQ.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) oo ku geeriyoodey magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska, kadib caabuqa Covid-19 oo haleelay maalmo uun ka hor.

Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) waxa uu dhashay sanadkii 1928-dii waxa uu noloshiisa inta badan kaga qayb qaatay kobcinta fanka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir weyn oo ka baxay suugaanta Soomaaliyeed, waxa uu lafdhabar u ahaa fanaaniinta da’yarta ah ee usoo kacday hiddaha iyo dhaqankeena. Waxa uu ahaa dhiirigeliye khibrad badan u leh suugaanta, isagoo muddo dheer kusoo dhexjirey fanka.

Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi), wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.