Daawo : Dr. Mamamuud Maxamed Culusow Gudoomiyihii Hore ee Bangiga dhexe oo ku eedeyey Madaxda Dawlada Federaalka marin habaabinta shacbiga Somaaliyeed ee Arimaha Deyn Cafinta

Gudoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Somaaliyeed Dr.Maxamuud Maxamed Culusow oo u waramaayey Tv Goobjoog ayaa ku tilmaamay Madaxda Dawlada Federaalka Somaaliyeed kuwo si ula kaca ah u marin habaabinaya Shacbiga Somaaliyeed marka ay ka halayaan arimaha hadda socda ee deyn cafinta.

Dr.Culusow ayaa sheegay in 39 Dawladood oo ay Somaaliya ka mid tahay oo iska bixin kari waayey deymihii ay hore u qaateen ay u socdaan talaabooyin sanado badan qaatay oo dib loogu eegayo sidii loo khafiifin lahaa deymaha lagu leeyahay,kadib markay ka soo baxaan shuruudo khaas ah oo loo dhigay.

Dr.Culusow ayaa sheegay in Madaxda Sare ee Dawlada Federaalku ay si ku talo gal ah Slogan Siyaasadeed uga dhigteen hawlaha deyn cafinta, kuwaas oo la mid ah hawl maamul oo caadi ah, oo la mid Jidadka Muqdisho oo qashinka laga xaaro, ama Saldhig Boolis oo hawl Boolis oo caadi ah qabta.

Halkan ka dhegeyso wareysiga Dr.Culusow