Prof.Faisal Roble : – Qeybtii 2aad ” Dayn Cafin mise Dayn Maareyn ” ?

Qaybtii 2aad :

Bishii October 10, 2019, Dawlada Norway ayaa shaacisay inay Soomaaliya siinayso dayn ah NOK 3.135 Billion una dhiganta $330 Million oo lacagta Mareykanka ah. Midowga Yurubna waxa uu bixiyey deyn ah $120 million. Waa lacagta lagu tilmaamay Bridge loan ama dayn dayn kaga gudub. Waxa xigay in bishii Fabraayo 12 iyo 13, 2020 ay Fulinta maamulka Hay’ada Lacagta (IMF) iyo Bankiga Adoonka (World Bank) go’aansaday in Soomaaliya u qalanto in lagu soo dabaalo barnaamijka loo yaqaan “Heavily Indebted Poor Countries” (HIPC) ama “Dalalka Saboolka ee Deymaha Udabran” (DSDU). HIPC waxa la yagleelay 1996 si dalalka saboolka ah looga gargaaro dhimista saboonimada (poverty reduction), waa sida BA iyo IMF bogooda xayeysiiska ku qoreen.

Soomaalia waxay codsatay in daynteeda la maareeyo 2015 oo ah xiligii M/W Xassan Sheikh Maxamuud joogay. Gidi ahaan 37 ayey ahaayeen wadamada la tacaalaya deynta; 34 dal oo ka mid ah HIPC ama DSDU way ka qalin jabiyeeyn iyaga oo shuruudihii buuxiyey; Itoobiya waxay aka gudubtay Barnamijkan 2005, Chadna 2001. Waxa wali aan barnaamijkan ka qalin jabin Eriteriya, Sudan, iyo Soomaaliya oo ku dhaw in ay shuruudihii laga rabay buuxiso.

Shurrudaha Deyn maarayntu afar jaranjaro ayaa loo maraa. Fanashada jaranjarooyinkaas waxay Soomaaliya biloowday xili hore; waxayse BA iyo IMF aqbaleen codsiga Soomaaliya 2015. Wadamada qaarkood lix illa 12 bilood ayey ku khatimaan jaranjarooyinka. Dallalka burburay sida Soomaaliya oo kalena wey ku daahaan. Matalan. Chad waxay ku qaadatay 14 sano. Soomaaliyana mudo ku dhow toban sano (10) ayey ku qaadatay dhamasstirka fanashada jaranjorooyinka HIPC.
Hadii ay Soomaaliya ku guulaysato in ay barnaamijkan ka soo dhalaasho, waxa dhici doonta in Daynta lagu leeyahay oo ah $5.3 billion ($700 million tahay lacag ay la daahday (arears)) la maareeyo ama “gacan laga siiyo.”

Dhawr arimood ayaa u baahan erey bixn sugan iyo faham dheeri ah oo ku aadan HIPC. Bankiga Aduunka iyo IMF wadamada deymaha bixiyayaa (financial creditors) isu taga oo la aasaasay 1944. Club de Paris (Paris Club) oo ah maddal ay isugu yimaadaan saraakiil ka soo jeeda dalalka qaniga ah ee deymaha bixiya si ay uga xaajooda sidii dalaka barnaamijka HIPC doorta deyntooda loo maarayn lahaa. The Club of Rome am Jimciyadii Rome ayaa isna jiray oo waayadan dambe doorka uu ka ciyaaro deymaha iyo deeqahaba aad u wiiqmeen.

Maareeynta Denyta Soomaaliya waxay ka soo jeedaa 1980hii dayntii ay qaadatay dawladii militariga. Soomaaliya oo illaa 1960hii lagu lahaa daymo kala duwan, marna loo bixiyey “qabrigii qaadhaanka” ayaa kadib dagaalkii 1977 ka wareegtay xulifaysigii Ruushka waxaanay u soo wareegtay dhinaca rer-Galbeedka. Soomaliya maalintaas ayey meel xun martay (dayn qoorta lagashay).

Barnaamji xiligaas loo dhisay Soomaaliya si dhaqaalaheeda loogu soo talaalo kan suuqa furan (free market), waxa loo dajiyey Barnaamij la odhan jiray Structural Adjustment Program (SAP). SAP waa qalab isugu jira dayn bixin (financial instrument) iyo dib u habaynta dhaqaalha dalalk saboolka ah si loo xoojiyo waxa ay dhoofiyaan (export sector).

Daymo badan oy Soomaaliya xiligaas qaadatay waa wax laxaday, wax guryo gaar ah lagu dhistay (sida booli qaran oo kale), iyo wax saraakiishii BA iyo IMF u shaqaynaysa la weecdeen. Daynta Soomaaliya lagu lahaa waxay gaadhaysay $2.5 billion xiligii burburku dhacay. Jabkii koowaad ee Soomaaliya halkaasu ka bilaabmay. Waxa manta lagu leeyahay oo larabo in lamaareeyo $5.3 billion oo isugu jire deyn, biillal dib u dhacay, iyo ribo dul saar ah.

Maxaa laga rabay Soomaaliya in barnamijka HIPC ay ka gudubto? Dhowr arimood ayaa muhiim ah. (1) National Development Strategy and Poverty Reduction (ama Qorshe Qaran) oo xoogga saaraya la dagaalanka saboolnima iyo xakamaynta kharijiga dawladu ku bixiso adeegyada bulshada; (2) Ganacsiga gaarka loo leeyahay in la xoojiyo; (3) In shirkadaha cashuurta laga qaado la yareeyo, (4) Doorashooyin in la qabto, (5) “Dawlad wanaag,” iyo dhamaystirka axdi qarameedka qabyada, iyo sharciga oo la quweeyo, iwl.

Duuduub ahaan, waa in rer-Galbeedku gacanta ku dhigaan oo hagaan dawladnimada Soomaaliya (Xoriya nin gayaa ha guursado).

Sidee loo maarayn rabaa deynta intan la’eg? Soomaaliya waxa loo balan qaaday in daynteeda dhwor nooc loo maareyndoo: (1) bridge loan ama Dayn dayn kaga gudubvoo dhan $$600 oo million (2) in aan loo raacin Soomaaliya Riboyinka gaadhaya $2 billion: (3) in Dalalka qaarkoo saamaxaad buuxda siiyaan Soomaaliya oon weli la hubin (Paris Club); iyo (4) in daymaha qaarkoo si karaanka Soomaliya le’eg loo bixiyo mudo sadex sano ah. Hadii Soomaaliya shurrudahan ooynan gidigood helin ama aan la ino soo bandhigin ay oofiso, waxa ku hadhi doona $570 million.

Sikastaba ha ahaatee, waxa Soomaaliya u furmay wado cusub oo markii hore ka xidhnay – la macaamilka Baananka aduunyada iyo daymo cusub ooy qaadan doonto.
Bal hadaba casharkan fiiri: (1) BA iyo IMF habeen iyo maalin waxay u gudayaan in ay daymaha ay bixinayaan macaash ka helaan. Cidii ay $2.2 billion ee daynta ahaa ka bixinaysa Soomaaliya iya sida ay deynlaydu uga takhalosayso la inooma sheegin. (2) Shuruudaha Soomaliya lagu xidhay ee suuqa furan iyo Qorshaha Qaran ee BA iyo IMF u dajiyeen dalka lasman khasaare kale in uu u horseedi waa shaki la’aan.

Matalan, Itoobiya waxay HIPC ka qalin jabisay 2005 xiligaa ay doorashadii 2005 samaysay. Dayn cafin waafi ah in ay dhamaysay ayaa shacaba loo sheegan. Hase yeeshee, maanta Itoobiya waxa lagu leeyahay deyn cusub oo gaadhaysa $53 billion. Nigeria oo ah dal qani ah waxay Iyana ka qalin jabisay HIPC, waxes hadda dib ugu dhacday godkii deynta; hadeer waxa Nijeeriya lagu leeyahay $86 billion. Maadaama HIPC aanu wax ka tarayn, waxa hadeeer dalalka Nijeeriya oo kale loo qorshaynayaa nidaam dayn maarayn ah oo loo bixiyey “debt sustainability” ama “joogtaynta daymaha.” Waa nidaam dalka rahaamad muxali ah lagalinayo. Ma laga yaabaa hadaba in Soomaaliya Iyana toban sano dabadeed gasho nidaamkan oo kale?

Waa su’aal aan mar kale rabo in aan daba galo. Hase ahaatee, waxa waajib ah in aan faham dheeri ah ka yeelano is-hardiyaya nidaamyada Qorshaynta (different theories of national development plans). U sacab tumka deyn maareynta waxa uga haboon indheer garadka Soomaalida in ay kawada xaajoodaan nidaamka dalka ku haboon ee hore loogu marin karo. Kolayba Soomaaliya waxay taagantahay: “nin qoyani biyo iska ma dhowro,” sidaas darteed waxa hadeer muhiim DFS in dib loogu furo daymo cusub iyo in ay la macaamili karto baananka aduunka. Taasna waan soo dhawynayaa, inkasta oon u jeedo in jid gudcur lajibaaxyo meel gabaahiirana geediga loo guurinayo.