Madaxweyne Deni oo fasaxa kulaylaha ku aadey Xeebaha Puntland isuna Diyaarinaya mowjadaha kala guurka Siyaasadeed ee Soomaaliya

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa Ninka ugu mashquulsan Soomaaliya bishaan Maarso, bilowgii bishaan wuxuu bilaabay Abaabulka iyo Diyaarinta Siyaasadeed ee Shirweynihii Wadatashiga Puntland kasoo Lagu qabtay lagunasoo dhameeyey Sidii loogu tala galay.

Maalmo Adag oo aad uu u mashquulsanaa Madaxweyne Deni ayay ahaayeen iyadoo waliba lagu jiray bisha ugu kulul Sanadka gayiga Soomaaliya.

Waxaa taas u dheeraa dhamaadkii Shirka oo Madaxweyne Deni, uu dusha u ritay inuu Soomaali isu keenayo si Khilaafka Siyaasadeed Xal looga gaaro isla markaasna loogu diyaar garoobo Doorasho nadiif ah oo Dalka ka dhacda.

Hadaba si Madaxweynuhu isugu diyaariyo wakhtigaas Adag waxaa lagu la taliyey inuu fasax laba todobaad ah uu shaqada ka galo.

Madaxweynuhu markuu fasaxa kasoo laabto wuxuu bilaabayaa Abaabulka Shirweynaha Soomaaliyeed oo ka dhici doona Garowe, sida lagu wado.

Wuxuu Madaxweynuhu Fasax u aadey deegaan Xeebeedka loo sameeyey iney Madaxda u sareysa Puntland ay fasaxa ku qaataan.

Hoos ka daawo Sawirada