Dowlada Federaalka oo lagu eedeeyey iney Xaalada Corona Virus ay u adeegsanayaan Siyaasad iyo in Lacag looga helo Deeq bixiyaasha

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa afka gacanta saaray markii ay ogaadeen in Kiisaska Corona Virus ee ay Wasaarada Caafimaadka sheegtay ay been Abiye yihiin, Waxayna arintaan ku tilmaameen mid Siyaasad loogu gogol xaaranayo iyo in Lacag lagu helo.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa kamid ah Xildhibaanada Arintaan kashifay walow isagu uusan is qarin oo uu banaanka soo dhigay laakiin Saaxiibadiisa kale ee Xildhibaanada ah Way ka gaabsadeen in Magacyadooda la baahiyo.

Xildhibaan Mahad Salaad wuxuu sheegay inuu isagu ka kulmay Mid kamida Dadka ay Wasaaradu soo gudbisay, wuxuuna sheegay in Qofkaas uusan qabin Cudurka.

Xildhibaanada kale mid kamida ayaa wuxuu yiri “qaabka hada wax loo raadinayo Waxaan ka cabsi qabaa in Dadka lagu talaalo Cudurka si Dadbadan ay u qaadaan, waamida hada aan uga cabsi qabto Shacabka, waana ka suurowdaa qoladaan”.

Dowlada Federaalka waxay maamusha oo qura Isbitaalada Muqdisho qaarkood iyo Maamul Goboleedyada ay gacanta ku hayaan ay.

Puntlandi.com
Muqdisho