Prof Faisal Roble : – Yaan Itoobiya jacaylkeeda lagu dagdagin

Qore : Faisal Roble

Nin arimaha Soomaalida aad uga faalooda oo dalka Kenya ku nool ayaa laga hayaa waa Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya Farax Macalin Dawaare ” dagaal Itoobiya lagu qaadaa waa mid Soomaali lagu qaaday.”


Farax Macalin Dawaare

Hadalkaas ood moodo in si fudud loo yidhii waa hadal taariikhda, cilmiga, iyo dhaqan Siyaasadeedka Geeska Afrika aan ka turjumahayn

1. Itoobiya waa imbradooriyad guumaysatay dadyaow aan la dhaqan iyo taariikh ahayn sida Soomaalida iyo Oromo, Canfer. Weli arinkaas lama xalin.

2. Weli dagaaladii dhexmarey Soomaalida iyo Itoobiya (1920hii, 1960hii, 1970hii, 1980hii, 1990hii, iyo 2000) si dhab ah oo xaq sor ku dhisan looga ma heshiin.

3. Tan ugu muhiimsani waa sida aay Soomaalida iyo Itooboya ugu kala duwan markay ay qiimaynayaan xukunka iyo cida xukunka haysa.

Soomaalidu, maadaama ay dad Muslimiin ah ahaayeen ka hor intaanay soo ergisan dawladnimada rer-galbeedka! (Western state formation), waxay aaminsanyihiin xukunka aadamigu in aanu ahayn waxa la soo waxyooday. Wax Wayne uma haystaan.

Itoobiyaankuse xukuumada waxay u arkaan in ay ka wakiil tahay Ilaahay. Sida uu qorey Rene’ Lefort, xukunka boqorka ” Ilaah baa doortay” ayey Axmaaradu aaminsantahay.

Waxa kale oy aaminsa tahay Axmaaradu in aan awooda la la qaybsankarin cida madaxa ah. Awooda noocaas ah waxa madaxda Itoobiya u xalaaleeya Kiniisada. Mar hadii kiniisado ogolaato shaqsiga xukuumada haysta in loowada sujuudo ayaa la fishaa.

Dhaqankiisa markaad fiirso xataa Dr. Abiy, oo isku arka in uu Nugus yahay, waxa uu awoodiisa u arkaa mid “Ilaahiyo” ah oon lala wadaagi karin. Sidaas darteed Dr. Abiy waxa uu filanayaa in la quweeyo oo laga baqo (feared and respected).

Soomaali iyo Itoobiya darbi weyn ayaa u dhexeeye. Saaxiibka Nayroobi fadhiyaa yaanu dagdagin arimo culus oo taariikhdu iyo sociological ahna yaanu ka boodin.