Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo wax laga xumaado ku tilmaamay warqad ka timid Wasaarada Amniga oo looga hadlay weerarkii Guriga Madaxweyne Shariif

Xildhibaan Ahmed Moalin Fiqi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isla markaasna xubin ka ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa jawaab kulul euxuu ka bixiyey Hadal Qoraal ah oo Wasaarada Amniga Federaalku ay kasoo saartay Isku daygii weerar ee lagu qaadey Guriga Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Amniga ayaa lagu beeniyey weerarkaas, waxaana Warqada ku Qoraal in Amaanka Madaxweynayaashii hore ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

FæXildhibaan Fiqi wuxuu Qoraal kooban ku sheegay in Wasaarada looga fadhiya ineysan qarin Xaqiiqda ayna jawaab dhan ah bixiyaan.

Axadii iyo Isniintii ayaa Ciidamo hubaysan waxay isku gadaameen Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, Waxaa Arintaan ka horeeyey oo mudo laba Todobaad laga joogo soo baxayay warar sheegayay in Ciidamada Ilaaliya Madaxweyne Shariif ay iskasoo Xaadiriyaan Xerada Ciidamada hadii kale laga jarayo mushaarka.

Hoos ka alhriso Qoraalka Xildhibaan Fiqi