Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo banaanka soo dhigay Fadeexad ( laba wejiilanimada )ay ku dhex jirto Villa Soomaaliya oo ku saabsan Khilaafka Masar iyo Itoobiya

Xukuumada badali doonta Xukuumada hada jirta waxay dhaxlaysaa oo Xafiiska ugu imanaysaa iyadoo Dibada iyo Gudaha dacalada la isku dhagan yahay.

Khilaafka Maamul Goboleedyada, Maamul Goboleedyada Madaxweynayaasha cusub dusha looga keeney oo qaarkood dhigi ku daayay, Wadamadii Dariska oo Cadaawad lagu beeray.

Kenya horaan u ogayn Maxaa hada soo kordhay

Waxaa hada soo kordhey Khilaafkii u dhexeeyey Masar iyo Itooboys ayay Villa Soomaaliya Faraha lagashay.

Shirkii Wadamada Carabta waxaa kasoo baxay kharaar/Warmurtiyeed lagu cambaaraynayo Itoobiya oo ku saabsan Xiisada Wabiga Nile ee Masar iyo Itooboys isku haystaan, Kharaarkaan Wadamada saxiixay waxay si toosa ula safanayaan Masar.

Dowlada Federaalku Way saxiixdey Kharaarkaan, waxaana arintii ka carooday oo ka war helay Dowlada Itoobiya, Waana Xaqiiqda sababtii uu Raysak wasaare Kheyre uu u tagay Adis Ababa todobaadkii tagay.
Waxaa xusid mudan Dowlada Emaraatku Way ka aanustay Shirkaan Wayna ka gaabsadeen iney saxiixaan.

Warar Dublamaasiyadeed oo ay Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan oo cadeynayaan in Xukuumada Federaalku ay ciyaartay laba wajiile.

Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Gedu Andargachew oo u waramayay Saxaafada Gudaha ayaa wuxuu yiri “Soomaaliya Way saxiixeen Warmurtiyeedka Shirkii Carabta laakiin Anaga waxay noo sheegeen in Saxiixu uu qalad ahaa oo ay ka wadeen in Arinta Masar iyo Itoobiya uu yahay khatar u baahan in Wadahadal lagu dhameeyo.

Saxaafada Itoobiya oo wax ka tiri hadalka Soomaaliya kasoo yeeray aad ayay ugu jeesjeeseen waxayna qaarkood idaacadaha ka sheegeen in Soomaaliya ay Saxiixdey Qoraal aysan Akhrin markii hore.

Masar oo ah wadan ay Xiriir dheer leeyihiin Soomaaliya wali kama aysan hadal Hadalada Raysal wasaare Kheyre uu Itoobiya u sheegay.

Arimahaan ay Xukuumada Federaalku dhex dabaalanayso waxay u dhignaan Caruur dab ku ciyaaraysa, Dadka ka faalooda Siyaasada Dibada Soomaaliya waxay ku tilmaameen Arintaan Jaahilnimo Siyaasadeed tii ugu horaysay oo Soomaaliya soo marta.

Maalmaha soo socda waxaa banaanka usoo bixi doona fadeexada Wabiga Nile ee Xukuumada Federaalku ay faraha la gashay.

Puntlandi.com
Adis Ababa