Breaking News— Laba Nin oo Dhalinyaro ah oo Gaalkacyo lagu dilay caawa

Magaalada Gaalkacyo waxaa caawa ka dhacay Dil loo geystay Marxuum Mukhtaar Axmed Cumar iyo Marxuum Ibrahim Bashiir Xasan Ciro.

Ilaa hada Lama oga cida Dilka ka dambeysay iyo sababtaba.

Mukhtaar Axmed Cumar Tinle wuxuu ahaa Nin Dhalinyaro ah oo ka qaybqaata Horumarka Gobolka , Wararka Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan inuu ka tirsanaa Golaha Deegaanka Gaalkacyo, laakiin wali naloo ma xaqiijin in Marxuumku uu ka mid ahaa ama kamid ahaan jiray Golaha Deegaanka Magaalada.

Marxuumka kale Ibrahim Bashiir Xasan Ciro waxaa dhalay Nin aad looga yaqaan Magaalada, isna Nin Dhalinyaro ah ayuu ahaa oo ay asxaab ahaayeen Marxuumka kale.

Koox hubaysan ayaa Dilka oo toogasho ah geystay , wixii Faahfaahin ah lala soco wararkayaga dambe.

Puntlandi.com
Gaalkacyo