Breaking News— Taliyihii Bileyska Afgooye oo Qarax ku geeriyooday

Qarax miino oo lala beegsadey Taliyihii Ciidamada Bileyska Afgooye Cabdulqaadir Cusmaan Nuunow ayaa wuxuu ka dhacay meel aan saas uga fogayn Lafoole oo u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Taliyaha iyo qaar kamida ilaaladiisa ayaa isla goobta ku geeriyooday, Qaraxa ayaa ahaa Mid dhulka lagu aasay, Waxaana loo badinayaa in Tamuut laga hagayay.

Qaraxaan cid sheegatay ma jirto ilaa hada, waxaase loo badanaa in ay kavdambeeyaan Al-Shabaab, Maamulka Koonfur Galbeed kama aysan hadal Weerarkaan.

Puntlandi.com
Muqdisho