Daawo Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka hadalay Shirkii Wadatashiga Puntland, sidoo kalena Sheegay in Sarkaal Sare oo Nabdsugida NISA ee Federaalku ee Muqdisho uu u hanjabay, kadib markii uu fakarkiisa ka dhex jeediyey xarunta Barlamaanka ee Muqdisho

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanda Dawlada Federaalka Somaaliyeed oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Televisionka Universal ayaa soo dhaweeyey natiijadii ka soo baxday Shirweynihii Wadatashiga Puntland ee lagu qabtay Garoowe.

Mudane Sakariye Xaaji Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in uu kulan gaar ah oo socday 2 Saacadood iyo bar uu la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kulankaas oo Xildhibaan Sakariye uga mahad celiyey Madaxweyne Deni,isla markaana uu sheegay in ay ku guuleysteen iskuna afgarteen mawaadiciidii ay ka wadahadleen oo ay ugu mihiimsaneyd sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dawlada Federaalka Somaaliyeed iyo Dawlada Goboleedka Puntland.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi ayaa wereysigiisa ku soo hadal qaaday khaldaadka Siyaasadeed iyo Tacatiyada baahsan ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed ay wakhtigan xaadirka ah ku dhex rafaneyso.

Mudane Sakariye ayaa si gaar ah u xusay dhacado foolxun oo isaga si shakhsiyan ah ugu dhacday, isagoo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed, isla markaana huwan sharaftii iyo magacii Shacbiga Somaaliyeed,kadib markii uu Telefoon ku soo wacay Sarkaal Sare oo ka tirsan Hayada Nabadsugida ee Dawlada Federaalka ee NISA,Sarkaalkaas oo Xildhibaanka kula hadalay Erayo Handaada iyo Cabsigelin ku dheehan tahay, kadib markii uu Sarkaalka NISA uu aad uga carooday hadalo Xildhibaanku ka jeediyey xarunta Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed ee Muqdisho.

Halkan ka daawo Wareysiga Xildhibaan Sakariye