Kulan Amniga Jubbaland looga hadlayo oo ka socda Dhoobley

Magaalada Dhoobley oo kutaal Xuduuda Jubbaland iyo Kenya ayaa waxaa maanta oo Axad ah waxaa ka socda kulan looga hadlayo Amaanka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulanka Dhir gudoominaya waxaana ka qayb galaya Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan iyo Daraakiidha Ciidamada Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa aad loogu lafa furmayaa Amaanka Guud re Jubbaland, waxaa sida warka ku haya Puntlandi.com

Ma cada sababta keentay Shirkaan degdega ah balse waxaa ilaa dabayaaqadii bishii Feberaayo socdey Abaabul ku aadan la dagaalanka Argagixisada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay guul la taagan karo ay todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka gaareen dhowr howlgal oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan ayaa Isagana ka warbixin doona Xaalada Gobolka Gedo.

Puntlandi.com kala soco wixii kasoo baxa kulanka Dhoobley.

Puntlandi.com
Kismaayo