Breaking News : – Wefdi ah 13 oo ka kooban Wasiiro,Senataro,Xildhibaanada Beesha Hawiye ugu Jira Federaalka oo u ambabaxay Magaalada Baydhabo si ay M/weyne Laftagareen ugala hadalaan cabashada Beesha Hawiye ee Saamiga Xubnaha Barlamaanka Konfur Galbeed

Guddi ka kooban 13 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Senator ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Baydhabo, si ay ula kulmaan Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, kalana hadlaan tabashada Beesha ka muujisay saamiga laga siiyay kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale.

Waa markii ugu horeysay Taariikhada Dawlada Federaalka Somaaliyeed in Wasiiro,Senataro,iyo Xildhibaano ka tirsan am heer Federaal ah oo u abaabulan qaab Beeleed ay intay is uruursadaan u dhofaan Maamul Goboleed Somaaliyeed oo aan aheyn kii ay matalayeen ee laga soo doortay, iyagoo halkaas ka raadinaya ama wata Ajende Qabiil oo ah mid ay Beeshooda uga raadinayaan
Inuu Saami fiican ku yeelato Xildhibaanada Maamulka ay martida u yihiin ee Konfur Galbeed.

Wasiirada,Senatorada, iyo Xildhibaanda Beesha Hawiye ee heer Federaal ayaa ku suntan Masuuliyiin maanka ku haya oo ku shaqeynaaya matalaada Siyaasadeed ee Shacigoodu ku aamineen,taas oo ay muujiyeen maanta oo ay baadi goobayaan Xuquuqada Siyaasadeed ee Beeshooda uga maqan Maamulka Konfour Galbeed,kadib markii ay meel fiican dhigeen midii hore ee Federaalka ay ku lahaayeen

” Somaalidu waxay ku Maahmaahdaa ” Ninnii Gurigiisa kaa soora Nin dheh,Ninkii Guri kale kaa sooraana Nin ka dheeri dheh “

Arintani waxay Cashar iyo Cibaro qaadasho u noqonaysaa Shaciga iyo Xukuumada Puntland oo mar walba ku hungooba Xubnaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Federaalka ah ee ay Xamar u dirsato, kuwaas isgu biyo shubta badankoodu kuwo Calooshooda u shaqeystayaal ah oo lumiya Matalaadi Shacbi ee loo soo igmaday.