Daawo Breaking News : – Xildhibaanada Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee laga soo doorto Puntland oo taageeray qodobadii ka soo baxay Shirweynihii Wadatashiga ee Puntland

Xildhibaanada Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee laga soo doorto Dawwlada Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland oo Caawa Shirjaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si buuxda u taageeray Natiijadii iyo Qaraaradii ka soo baxay Shirweynihii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay magaalada Gawoowe 15-17 bishan aynu ku jirno ee Maarso.

Xildhibaanada Dawlada Federaalka ah oo ku sugan Puntland, isla markaana ajiibay baaqii Wadatashiga Shacbiga Puntland ee uu soo jeediyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin in qodobadii ka soo baxay shirku ay horseedi doonaan Shirweyne Wadatashi-Somaaliyeed oo lagu qaban doono Magaalada Garoowe.

Xildhibaanada ayaa uga mahadnaqay Xukuumada Puntland, Isimad iyo Shacbiga soo dhaweyntii ay kala kulmeen iyo habsami socodkii iyo martigalintii shirka wakhti duruufo adagi Dalka ka jiraan.

Halkan ka daawo Shirka Jaraa’id ee caawa ay Garoowe ku qabteen Xildhibaanada Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee laga soo doorto Puntland