Daawo Wasiirka Gudaha ee Puntland oo u jawaabay Wasiir Cawad : – Boowe Puntland Shirweyne Wadatashi baa ka dhacay, ee Shir Wadahadal Dawlada Federaalka iyo Puntland laguma qaban

Wasiir Dhabancad, 4 shay oo ay dadku aad ugu wareersanaayeen si fiican ayuu uga qanciyay.

1) In shirka wadatashigu ahaa mid Puntland leedahay ee uusan aheyn mid Puntland & Dowladda Federaalka u dhaxeeyay.

2) Macnaha ereyga SAAMILEEY in loola jeedo qof walba oo ay ka go’do talada waddanka soomaaliya.

3) In Madaxweyne Deni booqashadiisa Muqdisho aysan aheyn wadahadal ama gorgortan uu la galayo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ee ay tahay kulan wadatashi ah oo meelo badan ku marayo kuna saabsan shirka wadatashiga Soomaaliya ee Puntland qabanqaabineyso.

4) Iyo in qodobadii ku qornaa warmurtiyeedka shirka dhamaantood ay sax yihiin sida loogu talo-galayna loo fulin doono.

Warku waa cad yahay..

Video Puntland TV/Radio