Dhabancad “ Madaxweyne Deni Muqdisho wuxuu tagayaa gogolxaarka Shirweynaha Soomaaliyeed

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad oo ka jaaabayay Shirkii jaraa’id ee Wasiirka Arimaha Dibada Federaalka ayaa faahfaahiyay in Madaxweyne Deni uu Muqdisho u tagayo Gogol xaarka Shirweynihii Puntland ku yaboohday.

Wasiirku wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii Wasiirka wuxuuna sheegay in Shirwaynihii Puntland go’aamadii Kasoo baxay ay ahaayeen kuwo Dan u ah Puntland iyo Soomaaliya.

Hadalkii Wasiirka Arimaha Dibada Federaalka Soomaaliya wuxuumuujinayaa in wali Khilaafkii uu jiro.

Sida Puntlandi.com xogta ku hayo Ma jiri doono kulan dhex maraya Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com
Garowe