Maxaa ka jira in Madaxweyne Deni uu aqbalay Casumaadii Mdxweyne Farmaajo

????????????????????????????????????

Siday horay u soo bandhigeen Warbaahinta Puntlandi.com Madaxweyne Farmaajo wuxuu laba jeer isku dayay inuu Madaxweyne Deni ku casumo Muqdisho, Wafdiga DF ee hada ku sugan Garowe ayaa u dambeeyey oo Casumaadaas u gudbiyey Madaxweyne Deni laakiin Mdaxweynuhu wuu ku gacan diray Casumaadaas ka hor intaan shirkii Wadatashiga Puntland uusan bilaaban.

Ma waxba is badalay hada

MAYA waxba iska badalin Madaxweyne Deni, Shirweynihii Wadatashiga Puntland Waxyaabihii kasoo baxay waxaa kamid ahaa qodob ku baaqayaa in shirweyne Soomaaliyeed ay isugu yimaadaan Saamilayda Siyaasadeed ee Soomaaliya, Hadaba si Shirka u qabsoomo Madaxweyne Deni wuxuu safaro ku tagayaa Magaalooyinka dhowra oo ay kamid yihiin Baydhabo, Kismaayo iyo Muqdisho,

Ujeedka Safarka Madaxweynaha waa inuu ku casumo Saamilayda Siyaasada Soomaaliya Shirweynaha Garowe ee Soomaaliya kasoo looga arin sanayo Doorashada 2020.

Madaxweyne Deni ma la kulmayaa Madaxweyne Farmaajo

Sida ay xogta ku hayaan Warbaahinta Puntlandi.com Madaxweyne Deni wuu la kulmayaa Madaxweyne Farmaajo hadii Ay Xukuumada Federaalku ay aqbalaan inay kasoo qayb galaan shirweynaha Soomaaliya loogu qabanayo Garowe si looga arinsado Doorashada 2020 oo si loo dhan yahay Laguna heshiis yahay looga arinsado qaabka Doorasho ee Dalka ka dhici doonta.

Taas macneheeda hadii dhan kale loo dhigo waxay ka dhigan tahay in Xukuumada Federaalku ay kasoo dabacday Meeshay taagnayd iyo Sharcigii Doorashada ee Madaxweynuhu saxiixay oo ay ka tanaasuleen.

Madaxweyne Deni wuxuu kaloo Muqdisho kula kulmayaa dhamaan Hogaamiyayaasha Xisbiyada.

Madaxweyne Deni waxaa kaloo si gaara loogu casumay Shirweynaha Beesha Mudulood oo dhowaan ka dhici doona Muqdisho, wuxuuna maalinta Shirkaas ugu dambeysa ka noqon doonaa Marti sharafeed gaara.

Puntlandi.com
Muqdisho