Kheyrumasuulnimo: Denmark 4 Diyaaradood Bay u kiraysay Inay Dalka kusoo xeroodaan Muwaadiniintooda, Farmaajana Hawada ayuu ka celiyey Maato iyo Ganacsato Soomaaliyeed

Wadamada Caalamku waxay ku dadaalayaan inay Muwaadiniintooda Ku kala maqan Dalka Dibadiisa ay Si deg deg ah Dalka ugu soo Daad gureeyaan, Wadamo badan waxay Diyaarado khaasa u direen Dalalka Dibada ee ay ku sugan yihiin Muwaadiniintooda si Dalkooda loo keeno.

Wadanka Denmark waxay Shalay kireeyeen Afar Diyaaradood oo soo Daad gureeya Dadka u dhashay Denmark iyo Kuwa Deganaanshaha haysta ee ku xayiran Dalalka Dibada, ilaa hada Marokko waxay kasoo Daad gureeyeen 540 Qof oo Daanisha oo ay ku jiraan Marookaan degan Denmark, Norway iyo UK ayaa iyana wada Qorshahaan oo kale.

Waxaa fadeexad ah in maanta ay Xukuumada Soomaaliya ay Hawada ka celiyeen Diyaarad ay ka buuxaan Muwaadiniin Soomaali ah, isla markaasna waxaa lagu faanayaa Diyaarad baan Hawada ka celinay.

Ilaa hada Lama oga Xaalada ay ku sugan yihiin muwaadiniintaas Soomaaliyeed ee Dalkooda loo diiday inay soo galaan, Waxaa loo badinayaa in Muwaadiniintaas ay iminka ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha Dubai maadaama aysan qaarkood Haysan Asal ku gal shaqaynaysa oo ay ku galaan Dubai.

Saaka ayaa Villa Soomaaliya waxay Amartay in dib loo celiyo Diyaarad Rakaab Soomaaliyeed ay ka buuxaan oo kusoo jeeday Magaalada Hargeysa, waxyar kadibna waxay Xukuumada Federaalku sheegeen iney ku faraxsan yihiin inuu hirgalay Go’aankii Dowlada.

Ehelada Dadka laga celiyey Hawada ayaa aad uga walwalsan Xaalada ay ku sugan yihiin Dadkooda laga celiyey Hawada.

Wadamada Caalamkunwaxayniska xireen oo Qura Ajnabiga imaanaya Dalalkooda laakiin Muwaadiniintooda Way soo Daad guraysanayaan.

Su’aasha la is waydiinaya ayaa waxay tahay Masuuliyad darada noocaan ah inta ay le’egtahay inta Dalka lagu xukumayo iyo Masiibooyinka ay u geysan ama uga tagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed ee awal la daalaa dhacayay Dowlad la’aan iyo Damaanad qaad Muwaadinimo.

Puntlandi.com
Hargeysa