Xisbiga Wadajir oo soo dhaweeyey Warmurtiyeedkii Shirkii Wadatashiga Puntland

Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party

Xisbiga Wadajir oo kamid ah Xisbiyada ugu weyn Xisbiyada Siyaasada ayaa soo dhaweeyey go’aamadii Kasoo baxay Shirweynihii Wadatashiga Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir isla markaasna ah musharax u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qoraal uu soo qoray wuxuu ku ayiday Qodobadii kasoo baxay Shirweynihii Wadatashiga Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu aad usoo dhaweeyey gogoshii ay Puntland ugu baaqday inay isugu yimaadaan Saamilayda Siyaasadeed ee Soomaaliya si looga tashado Doorashada Soomaaliya 2020.

Hoos ka akhriso Qoraalka kooban ee Xisbiga awadajir