Akhriso Warmurtiyeedka ay Madasha Xisbiyada Qaran ay ku taageereen Go’aamadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Puntland

Madasha Xisbiyada Qaran qaarkood ay ku mideysan yihiin ayaa Qoraal ay soo saareen waxay si mugweyn ugu taageereen Go’aamadii kasoo baxay Shirweynihii Wadatashiga Puntland ee Shalay oo Salaado ah lasoo gabagabeeyey.

Qoraal ka kooban dhowr Qodob ayaa Madashu soo saartay Waxaana ka mid ah

  1. Madashu waxay Hambalyo iyo bogaadiyey u diraysaa Bulshada Puntland iyo Hogasmiyayaadhooda Talaabada ay u qaadeen dhinaca Xoojinta Midnimadooda.
  2. Madashuvwaxay soo dhaweynaysaa Gogosha nabadeed ee ay Puntland ku dhawaaqday oovay isugu imaanayaan dhamaan Saamilayda Siyaasadeed ee Soomaaliya.
  3. Madashu waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Puntland khaasatan Qodobadii ku aadanaa Dastuurka Federaalka iyo Xoojinta Midnimada Soomaaliya
  4. Madashu waxay xoojinaysaa qabashada Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxayna ka digaysaa caqabadaha ka imaan kara Doorashada oo la isku dayo in dib loo dhigo.
  5. Madashu waxay u rajaynaysaa Hogaanka iyo Shacabka Puntland Barwaaqo iyo baraare

Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran iyo qodobada oo dhamaystiran.

puntlandi.con

Garowe