Breaking News — Raysal Wasaare Kheyre oo Dowlada Itoobiya ka dalbaday inay joojiyaan Duulimaadyada Hargeysa iyo Garowe

Warar Dublamaasiyadeed oo rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com gacanta usoo galay ayaa sheegaya in Raysal wasaare Kheyre uu Itoobiya u tagay sidii loo joojin lahaa Duulimaadyada Itoobiya Airline ay ku tagto Soomaaliland iyo Puntland.

Xalay ayaa Raysal wasaaruhu ku dhawaaqay in Soomaaliya laga manuucay Duulimaadyada Caalamiga ah Cudurka Corona Virus awgiis.

Xukuumada Federaalku Way ogayd in Amarkooda aan laga fulinayn Hargaysa iyo Garowe sidaas awgeed si looga dhigo in amarkoodu uu Dalkoo dhan ka hirgalay wuxuu Raysal wasaaruhu u Duulay Adis Ababa si uu ula hadlo Itoobiya loona joojiyo Duulimdyada Hargeysa iyo Garowe.

Warkaan oo aan ka helnay ilo aad loogu kalsoon yahay waxay kaloo noo sheegeen in Qorshaha Xukuumada Federaalka uu yahay in ay Dhowaan ku dhawaaqaan in Dalkoo dhan Bandow lagusoo rogo kasoo looga Dan leeyahay Arimo Siyaasadeed oo la xiriira Doorashada Dalka ka dhici doonta oo loo raadinayo qaab dib loogu dhigo.

Puntlandi.com
Garowe