Maraykanka oo Dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey Musuqmaasuq iyo Shacab loo geystay Dil iyo jir dil

Waving flag of Somalia and USA

Warbixin ku saabsan Xuquuqul Bini’aadamka oo ay soo saartay Dowlada Maraykanku ayaa Soomaaliya lagu eedeeyey Inay ka dheceen falal waaweyn oo ka baxsan bini’aadanimada.

Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyey iney Ciidamada Dowladu iyo Maleeshiyo Abaabulan ay Dad laayeen, qaar jirdil ku sameeyeen halka qaarna la waysan yahay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu eedeeyey Masuuliyad daro ku aadan falalka ka dhanka ah Bini’aadanimada ee ka dhacaya Gudaha Dalka.

Waxaa iyana lasoo hadal qaadey in Xukuumada Soomaaliya ay ku dhaqaaqday Musuqmaasuq Xoogan oo aan waligiis Dalka ka dhicin.

Al-Shabaab iyo Ururada kale ee Dalka ka jira ayaa iyana Dambiyada oo kale lagu eedeeyey.

Warbixintaan oo Sanadle ah ayaa waxay fadeexad ku tahay Xukuumada Soomaaliya xili ay soo dhowdahay Doorashadii Dalka

Riix halkaan si aad u akhrisato Warbixinta oo orjinaal ah