Breaking News— Shirweynihii Puntland oo lagu laalay Dharciga Doorashada oo uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay

Shirweynihii Wadatashiga Puntland ee Maanta soo gabagaboobay ayaa qodobada kasoo baxay waxaa kamid ahaa qodob ku saabsan Doorashada Soomaaliya ee 2020.

Shirweynihii wuxuu falanqayn iyo rogrogid kadib isla meel dhigeen in Sharcigii ay labada Gole andixiyeen kadibna uu Saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu noqonayo mid aan waxba ka jirin.

Taas macneheedu waxaa weeye in lalaalay Dharcigaan isla markaasna la isugu yimaado Shoøirweyne Qaran oo Puntland marti galinayso.

Shirweynahaas Qaran waxaa looga munaaqashoonayaa Dharci Doorasheedkii Cusub oo ay ku dhamaan doonaan waxyaabo raali laga wada yahay.

Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa durba soo dhaweeyey Go’aanka ay Reer Puntland ka gaareen Sharciga Doorashada.

Puntlandi.com
Garowe