Daawo : – Prof C/salaan Yasiin oo ka mid ah 5 Qof ee aasastay Ururkii SNM oo maanta Adis Ababa ku qabtay Shirweynihii Beesha Direed ee dagta Ethiopia

Waa wax lala yaabo oo laga yaqyaqsoodo ah in Prof.Cabdisalaan Yasiin oo ka mid ahaa Shantii qof ee ugu horeysay ee Ururkii SNM ku asaasay, ugana dhawaaqay Sanadkii 1991 magaalada London ee Cariga Ingriiska uu maanta magaalada Adis ababa ku qabto Shirweyne uu ugu magacdaray Shirweynaha Beesha Direed ee degta Dalka Ethiopia.

Ujeedada Prof Cabdisalaan Yasiin oo ka soo jeeda Beesha Isaaq ee dagta magaalada Hargeisa uu shirka ugu qabanaayo Ethiopia waa Cudur cusub oo uu rabo inuu ku beero, kuna kala dhantaalo Midnimada Umadda Somaaliyeed ee dagta Dalka Ethiopia, wakhti uu Dalkaasi ka socodo isbadelo aad u adag oo u baahan Midnimo iyo Iskaashi.

Prof Cabdisalaan Yasiin Qabyaaladii, Cuqadadii iyo Somaalidiidnimadii ayuu rabaa inuu maantana ku beero, kuna kala qeybiyo Umadda Somaaliyeed ee ku dhaqan Ethiopia.

Halkan ka daawo Ololaha Asaasihii SNM uu ka wado Adis ababa