Dr.Saadiq Enow : – Xog kooban oo umadda Somaaliyeed kaga caafimaadi doonto hadalkii Abiy Axmed

Qore: Dr. Saadiq Enow

Waxaan idin-la wadaagayaa xog kooban oo aan is-leeyahay bulshada Soomaaliyeed ha-kaga caafimaaddo hadalka doorashada lagu raadinayo oo ka soo yeerey ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abyi Axmed.
Isagu wuxuu sheegey in sanadkii 1977-kii Soomaaliya ay gardareysatay Itoobiya, iyaguna ay jebiyeen ciidankii soo weerary.

Hadalkaas waa mid u baahan mar ku noqosho. Dagaalku wuxuu ahaa dhacdo taariikheed oo ka turjumayay, shucuub dulman oo ku kacay boqortooyo faasid ah oo ku dhisnayd hanaan imbriyaaliyadeed oo taageero ka haysatay xoogag dibadda ah. Waxaa dagaalamayay Eriteriya oo maanta ka go’day Itoobiya.

Waxaa dagaalamayay Soomaali oo maanta nadaam federaal ah ka qaadatay dowladdii dhexe ee Itoobiya.
Waxaa dagaalamayay Tigrey qarniyo badan ku dulmanaa nadaamka Xabashida, kuwaas oo ku dhowaad 30 sano ka talinayay dalka.

Waxaa dagaalmaayay Orormada uu magacooda xilka ku qabtay mudane Abyi. Soomaalidu waxay taageerayaan dadka ay isku jinsiyadda yihiin oo ayan maslaxad ku kala tegi karin, kuwaas oo dhibaatadooda ay la danqanayeen.

Xasuus yar haddaan dib ugu laabanno, 22/ 1- 1978-kii, ciidanka Soomaaliyeed waxay jebiyeen guutadii ugu danbeysey oo ciidan Itoobiyaan ah oo ay si toos ah isaga hor-yimaadaan. Guutadan oo ahaa ciidankii ilaalinayay madaxtooyada Addis-ababa, waxay iska hor-yimaadeen guuto uu hoggaaminayay Jeneraal Cali Ismaaciil.

Goobtu waxay ahayd buurta la yiraahdo Gaara-xaakim oo waqooyiga Harar dhacda.

Wixii maantaas ka danbeeyey ma-jirin ciidan Itoobiyaan ah oo Soomaalida ka hor-joogey in ay Addis-ababa gaaraan. Laakiin nasiib-darro waxaa ahayd, in is-bahaysigii WARSWA oo diyaariyay cudud xooggan iyo qalab casri ah oo Soomaalida lagu celiyo, taas oo haddii ayan jirteen uu xaalku si kale noqon lahaa. Sidaa darteed, maantii xigtay oo taariikhdu ahayd 23/ 1- 1978-kii waxaa dagaalka soo galay xoogag caalami ah.

Arkiifka ay Ruushku ka diyaariyeen xogtii dagaalkaas wuxuu xusayaa, 25/ 11- 1977-kii, ciidamada cirka Soofyeetiga in ay diyaariyeen kaabad cirka ah (Air Bridge) oo ay ku baqoolaan gaadiidka dayuuradaha ah oo hubka u daabulaya Itoobiya.

Kaabaddaas oo ahayd dayuurado si is daba-joog ah uga soo kicitimaya waddankaas oo ay ka qayb galay ayniyo kala duwan oo dayuuradaha xamuulka ee istraateejiga ah. Tirada dayuuradahaas waxay ahaayeen 225, waxay isugu jireen jaadadka ah Il-18, An-12B, An-22. Hubka ay qaadayeen waxaa kamid ahaa gantaallo badan oo ah nooca BM-21, taangiyo noocoodu yahay T-55 iyo T-62. Gawaarida gaashaaman oo noocoodu yahay BMP-1.

Waxaa kale oo dayuuradaha ay soo daabuleen madaafiic gumuc kala duwan, waxay isugu jireen 130 mm, 155 mm iyo 185 mm. Rasaas noocyo badan, gaadiid ciidan iyo sahay kale. Muddo saddex toddobaad ah ayaa diyaaradaha Soofiyeetiga waxay ka soo degayeen gegida dayuuradaha ee Adisababa 20-kii daqiiqadooba mar. Muddadaas kooban Itoobiya waxay heshey hub u dhigma afar jibbaar hubkii ay Mareekan ka heshey muddadii u dhexeysey 1952 – 1977.

Mashruucaas waxaa weheliyay saraakiishii Ruushka oo dagaalka hoggaamin lahaa. Waxaa kamid ahaa Lieutinent General Vasily Mazirka, Lieutinent General G. Dolnikoc, Major General G. Lutovinov, Major General N. Oleschenko, Full Colonel V. Pashkovsky iyo kuwo kale.

Waxaa kale oo mashruuca weheliyay ciidan Kuubaan ah oo gaaraya 18,000 oo nin, kuwaas oo muddo gaaban laysugu keeney goobaha ay Soomaalidu ku sugan yihiin.

Saraakiisha ciidankan watay waxay ahaayeen Jeneraal Arnaldo Ochoa, Jeneraal Lopez Kubas, Jeneraal Leonardo Andoglio, Jeneraal Gustavo Chui, Jeneraal Fleitas iyo Jeneraal Rigoberto Garcia. Ciidanka waxaa la socdey 100 duuyiyayaal iyo 1,000 injineero ah.

Howsha waxaa si toos ah uga masuul ahaa wasiirka difaaca Soofyeetiga Marshall Dmitriy Fyodorovich Ustinov iyo wasiirka difaaca Kuuba Raul Modesto Castro. Waxaa intaas weheliyay ciidamo iyo saraakiil ka socdey Yamanta Koonfureed, kuwaas oo ahaa guuto mechanized ah.

4/ 12- 1977-kii waxaa jiray dayax-gacmeed ay Ruushka u direen dusha sare, kaas oo muhimaddiisu ay ahayd in uu basaaso saldhigyada ciidamada Soomaaliyeed iyo hubkooda.

Dayax-gacmeedkan oo magaciisu uu ahaa Cosmos 964, wuxuu wax ka arki karay masaafo dhulka ah oo u jirta 391 km. Sarkaalka la yiraahdo Vasily Petrov ee ugu sareeyey jeneraalada Ruushka, wuxuu xilligaas ahaa abaanduulaha ciidanka cagta ee Midowga Soofyeeti.

Waa ay jireen ciidamo huwan ah oo gaarayay 300,000 oo Itoobiya si deg-deg ah loogu tababaray, kuwaas oo ahaa beeralay qafaal lagu soo ururshey, xabbadna lala daba-taagnaa.

Haddii ayan cududdan shisheeyaha ah yimaadeen, suuragal uma noqoteen in ciidamadii Soomaaliyeed la dhaawaco. Caqabaddaas xooggan oo ciidamadii soomaalida heshey waxaa u weheliyay istraateejiyaddii lagu maamulayay siyaasadda dagaalka oo ahayd mid fashilan.

Sidaa darteed dhallinyarada Soomaaliyeed yeeyan ku han-jabin ereyda siyaasadeysan ee doorasho ku-galka ah, kuwii mudnaa in ay ka hadlaanna ay kaga jawaabeen aamusnaan doorasho ku-gal ah.