Shaban biyood ka Dilaacay Gobolka Hiiraan oo 20 Qof u geeriyoodeen

Degmada Jalalaqsi iyo nawaaxigeeda waxaa ka dilaacay Cudurka had iyo jeer Soomaalida kusoo laablaabta xili roobeedka ee loo yaqaan Shuban Biyeed.

Goobo kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyana waa laga sheegayay Cudurkaan oo ilaa hada 20 Qof oo ay Caruur ku jirto uu ku dilay Degmada Jalalaqsi iyo nawaaxigeeda.

Maxamed Nuur Oo kamida Masuuliyiinta Gobolka ayaa Warbaahinta la hadlay isagoo xaqiijiyey in Cudurka uu khatar ku yahay Bulshada danyarta ah ee Gobolka wuxuuna dalbadey Gurmad Daawo oo deg deg ah.

Cudurkaan waxaa badanaa laga qaada Biyaha wasakhda ah oo ay Dadku isticmaalaan, waxaana ugu haboon oo looga hortagi karaa in ay Dadku helaan Biyo nadiifa oo ku filan xiliyada Abaarta laga baxayo iyo xiliyada Roobabka Fatahaada wata.

Wali ma jiri gurmad la sheego oo soo gaaray Dadka la tacaalaya Cudurka.

Puntlandi.com
Gaalkacyo