Puntland oo Diiwaan galisay 10,099 Askari

Wasiirka Amniga Cabdisamad iyo Wasiirka Maaliyada Xasan Abgaalow oo Gaalkacyo ka bilaabay Diiwaan galinta Ciidanka 14/2,2020 Puntlandi.com

Mashruuca Diiwaan Galinta Ciidamada Puntland ayaa hada Gabogabo ah, Iyadoo Gudiga Diwaanngalintu ay ilaa hada diiwaan gasheen 8,956 oo Askari, Sida Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan Goolku waa in la Diiwaan galiyo 10,099 oo Askari intaan la gaarin bisha juun Sanadkaan.

Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan iyo Wasiirka Maaliyada Hasan Shire Abgaalow oo xubin ka ah Gudiga Diiwaan galinta Ciidanka oo maalmahaann ku wareegayay Gobolada Puntland ayaa hada waxay gabagabo Marinayaan Diiwaan galinta.

Gobolka Mudug ayay todobaadkaan ku sugnaanayaan waxaana qorshuhu yahay iney Diiwaan galin ka bilaabaan Gobolka.

Ciidamada la Diiwaan galinayo waa kuwa Malatariga ah oo qura, ujeedkuna waa in la sameeyo Ciidan Tayaysan oo Puntland yeelato kuwasoo Ay u dhamaystiraan doonaan dhamaan Agabyada Ciidanka oo casri ah.

Puntland waxay doonayaan inay Samaystaan awood militari oo lagu aamini karo Amaanka Dalka, Tababarkooda iyo qalabayntooda waxaa ka qayb qaadanaya Wadamada ay Puntland saaxiibka dhow yihiin.

Waa markii u horaysay oo Puntland ay guul ka gaarto Dib u habeynta Ciidankeeda, waxaana meesha laga saaray Reer hebel Ciidankkodii.

Puntlandi.com
Garowe