DAAWO : – Mareeyaha Golaha Murtida Al Miskiin Al Musaafur Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube oo Wasiir Mareeye ka hor joogsaday inuu soo galo Wasaarada Warfaafinta iyo Abwaanada Hobolada Waaberi oo si xoogleh u canbaareyey falkaas.

Mareeyaha waxa loogu yeero Golaha Murtida iyo Madadaalada Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Yuusuf ( Shube ) ayaa maalintii shalay laga hor istaagay inuu galo xarunta Wasaarada Warfaafinta ee Dawalada Federaalka Somaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Ilaalada Wasaarada ay Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube u sheegay in Wasiirka Warfaafinta Maxamed Xayir Maareeye uu amar ku bixiyey in Abwaan Shube oo ka soo jeeda Puntland aanuu soo geli karin xarunta Wasaarada Warfaafinta.

Is hortaaga iyo neceybka Abwaan Shube uu u kala kulmay Wasiir Mareeye ayaa ku soo aaday wakhti uu aad u xun yahay xiriirka ka dhaxeeya Xukuumada Farmaajo iyo Shacbiga Reer Puntland, iyadoo Taliska Farmaajo intuu xilka hayey hore uga sifeeyey dhamaan xubunihii ka soo jeeday Puntland ee xilalka heer Federaal ka hayey Xukuumada dhexe ee fadhigeedu yahay Villa Muqadisho.

Waxaa nasiib daro ah in Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube oo ahaa Abwaan Somaaliyeed oo Reer Puntland, isla markaana mudadii ku dhaweyd 30 sano ee dagaalada sokeeye socdaan Sharaf iyo Cisi ku lahaa dhex jooga Dadkiisa iyo Dalkiisa Puntland in uu u shaqo tago, iska markaana lagu bahdilo Xafiiska Wasiirada laysku adeegsado ee Mareeye iyo Goodax.

Halkan ka daawo Kooxda Hobolada Waaberi oo si xoogleh u canbaareyey dhibkaas loo geystay Miskiin al Musaafir Abwaan Shube.