TACSI : – : Allaah ha u naxariistee Dr.Yusuf Cusmaan Samatar ( Bardacad ) oo xalay ku geeriyooday Magaalada Boston ee Cariga Mareykanka

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

GEERIDU WAA XAQ

Allah ha u naxariisto waxaa habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Boston dalka Mareykanka 13.02.2020 Siyaasi,aqoonyahan iyo indheer-garad Dr. Yuusuf Cusmaan Samatar ( Bardacad ) oo magac weyn iyo door Shariif ku lahaa halgankii Soomaalida illaa xoriyadii iyo hanaanka xisbiyada badan ee xukuumadihii 1960 ilaa 1969.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay iyagoo ka murugeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Mandelahii Somalia Marxuum Dr.Bardacad si guud Tacsi ugu dirayaan dhamaan shacbiga Somaaliyeed,midka Reer Puntland ,gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtiisii uu ka baxay Marxuumku.

Waxaanu sidoo kale si gaar ah Tacsi ugu dirayaan dhanaan kumanaankii Aqoonyahan iyo Awladoodii oo Allaah ha u naxariistee Dr.Bardacad oo uu gacan weyn ka geystay Waxbarashadooda wakhtigii uu ahaa Hogaamiyihii xisbigii SDU (somali democratic union) ee Somalia Sanadihii 1960- 1969, Aqoonyahanadaas oo markii dambe anfacay Dalkii iyo Dalkii Somaaliyeed.