Daawo oo dhageyso : – M/weyne Xasan Sheekh oo 4 sano ka hor raali galin u diray Somaliland, Farmaajo sheekadiisu waa COPY

Beeni raad ma leh,Kooxda Villa Somaaliya ayaa maanta naf ka raadiyey oo Shacbiga Somaaliyeed ku jahawareeriyey hadalo maran oo qeyb ka ahaa khudbad COPY aheyd oo uu jeediyey maanta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu Raalin galin iyo dalab cafis ah uu hawada u mariyey Shacbiga Somaliland.

Nasiib wanaag shabakada Puntalndi waxay Shacbiga Somaaliyeed u soo bandhigayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu afar sano ka hor u garaabay,isla markaana uu raali galin ka bixiyey Tacadigii iyo waxyeeladii Taliskii Maxamed Siyaad Barre u geystay Shacbiga Somaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Waqooyi ee Dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa Shacbiga Somaaliyeed ka rajeynayaa in mudada Sideeda bilood ee u dhiman uu u naxo Dalka iyo Dadka Somaaliyeed,isla markaana uu joojiyo Naceyka, iska horkeenka iyo gulufka colaadaha qabiilka xambaarsan ee u ka wado deegaanada Gedo,Galmudug iyo Puntland.

Halkan ka dhageyso Raali galintii M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diray Shacbiga Somaliland ee maanta Kooxda Villa Muqdisho ay maanta Copy-gareyeen

3