Daawo Taliyihii Hore ee Sirdoonka NISA Mudane Sanbalooshe : – ” M/weyne Farmaajo wuxuu neceb yahay Qabiiladii Somaaliyeed ee Maxamed Siyaad Barre necbaa ee Majeerteen,Isaaq,Hawiye iyo Ogaadeen “

Wasiirkii hore ee Amniga ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed,sidoo kalena hore u soo noqday Taliyaha Hayada Sirdoonka Somaaliyeed ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxaned Cali ( Sanvaloishe ) ayaa wereysi uu siiyey Telefishinka Dalsan daboolka ka qaaday oo banaanka soo dhigay tuhumadii Shacbiga Somaaliyeed hore uga qabeen Fikirka Naceybka Qabiil xambaarsan ee uu ku shaqeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxda ku xeeran ee isaga u ah lataliyayaasha.

Mudane Sanbalooshe ayaa Shacbiga u soo bandhigay dabeecada kooxda Villa Somaaliya iyo waayo aragnimada uu ka dhaxalay mudadii gaabneyd ee uu la shaqeeynaayey kooxaha sheegta Kaadiriinta Nabad iy Nolol.

Wareysiga iyo xogta uu bixiyey Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaaliyeed Mudane Sanbalooshe ayaa iftiiminaysa khatarta iyo Siyaasadaha halista leh ee kooxda Villa Somaaliya ay Dalka iyo Dadka Somaaliyeed ku hogaaminayaan,kuwaas oo Dalka u horseedaya Burbur hor leh, Colaado Qabiil iyo Dagaalo sokooye oo ka dhex qarxa Shacbiga Somaaliyeed mar kale.

Halkan ka daawo Wareysigii Xasaasiga ah ee maanta bixiyey Mudane Sanbalooshe