Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Wafdi Maraykan ah , Sawiro

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Uu hogaaminayo TaliyahacHowlgalka Ciidanka Maraykanka ee Sfrikada Bari oo fadhigiisu yahay Jabuuti iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Booqashadaan Taliyaha ee Jubbaland waxay ku saabsan tahay La dagaalanka Argagixisada iyo Guud ahaan Amaanka Bariga Afrika

Waxaa laga wadahadlay Doorshada Soomaaliya iyo Amaanka Jubbaland iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu hoosta ka xariiqay in aysan Jubbaland u dulqadanayn Shaqaaqadii ay Dowlada Federaalku ka wado Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe wuxuu kaloo Safiirka u sheegey in Ay Dowlada Federaalku sida ugu dhakhsaha badan ay kala baxdo Ciidanka ay keeneen Gobolka Gedo.

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com
Kismaayo