Xog Xasaasi ah : – Farmaajo oo Qorsheyaal Hoose oo ka bilowda Reer Diini kuna dhamaada Reer Diini usoo bandhigay Axmed Madoobe , iyo Axmed Madoobe oo Diiday.

Shabakada Madaxbanaan ee Puntlandi ayey u suurto gashay in ay daah ka feydaan,wax badana ka ogadaan Qorshayaal is barkan oo qarsoodi ah oo Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u gudbiyeen Gudiyo ka koobanaa Waxgarad,Siyaasiyiin,Ganacsato,Culumaa’udiin iyo weliba qeybo ka mid Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Somaaliya,kuwaas u xeydnaa,dadaalo lagu guuldateystay oo lagu doonaayey in lagu soo af jaro is mari waaga Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Jubbaland

Kadib Doorashadii la isku khilaafay ee Jubbaland ka dhacday, Madaxweyne Farmaajo wuxu sameeyay isku dayo tiro badan oo Axmed Madoobe meesha looga saarayo, isku dayadaas waxaa sidoo kale garab socday Qorshe kale oo ahaa gorgortan Siyaasadeed oo si hoose u socday.

Qorshahan gorgortanka ahaa ayaa muhiimadiisu ahayd in laba qodab Axmed madoobe fuliyo, halka Madaxweyne Farmaajo Dowladiisu balan qaaday in ay Aqoonsan doonto Doorashadii Axmed Madoobe.

Hadaba, labada qodab ee Farmaajo usoo bandhigay Axmed Madoobe ayaa ahaa:-

1- inuu Madaxweyne Kuxigeenka Jubbalad Mudane Maxamud Sayid aaden meesha laga saaro taas badal keedana, Madaxweyne Farmaajo uu keensan doono sadex nin oo isku jifo hoose yihiin midkood, kuwaas oo kala ahaa:-

1-Axmed Caafi (Gudoomiye kuxigeenki Gudiga Doorashada Galmudug)

2- Cabdirisaaq Faarax Taano (Safiirka Somaliya ee Dooxa, Qadar)

3-Cabdi waayeel

Sadexdaas Masuul ayuu Madaxweyne Farmaajo soo bandhigay si loogu badalo Maxamud Sayid Aden, balse Axmed Madoobe ayaa si weyn arintaan u diiday,asagoo u fahmay in haduu dalabkaan aqbalo in ay Jubbaland wajihi karto khalkhal Siyaasadeed oo midka hada haysta ka weyn, sidoo kalena Axmed Madoobe ayaa ku dooday in Saami qeybsiga Beesha Sade la ilaaliyo maadama sadexda nin isku jifo hoose yihiin Farmaajo, sidoo kalena ay muhiim tahay in la tixgaliyo dadka ugu badan Gobalka Gedo oo reer Guriga ah.

Qodabka labaad ee Madaxweyne Farmaajo soo bandhigay ayaa ahaa in ugaaska guud ee Beesha sade yahay ugaas Maxamad Xaashi, sidaas daraateedna uusan Ugaas Maxamed Xasan Yarow Jubbaland saxiixe ka noqon karayn, isla markaana Axmed Madoobe laga doonayo inuu Diiwaanka dhaqanka Jubbaland ka saaro Ugaas maxamed Xasan Yarow, taas badal keedna uu si rasmi ah Diiwaanka u galiyo Ugaas Maxamed Xaashi, Kadibna dib loogu laabto Waax Qeybsigii Xildhibaanada Beesha sade ee Jubbaland ayadoo uu qeybin doono ugaas Maxamed Xaashi si Xildhibaano loogu helo Jifada Reer Dalal iyo Jifada reer Kooshin oo hada aan wax Xildhibaan ah ku lahayn Jubbaland. Si lamid ah sidii dalabkii hore ayuu, Madaxweyne Axmed Madoobe diiday dalabkaana asagoo sheegay inuusan wax dhaqanka beesha Sade dhexdeeda ah asagu faraha lagalayn.

Kadib Qorsheyaashan guuldaraystay oo xataa Beesha caalamka gaaray ayna Axmed Madoobe kula taliyeen inuu aqbalo, ayaa markale Madaxweyne Farmaajo wuxu Qorsheyay inuu gacanta ku dhigo guud ahaan Degmooyinka Gobalka Gedo si markaan Axmed Madoobe loogu qasbo dalabaadyaduu horey u diiday. Arimahaan ayaa muujinaya in qorshaha ugu weyn ee Farmaajo yahay siduu u abuuri lahaa awood Dhaqan iyo mid Siyaasadeed oo jifadiisa reer Diini ku yeelata gudaha Maamulka Gobaleedka Jubbaland.