Breaking News – Qaramada Midoobay oo Hogaamiyayaasha Afrika ku khasbay in Ajandaha Shirkooda lagu daro Qodob Madx. Farmaajo ku khasbaya inuu la kulmo Maamul Goboleedyada Si Doorasho Xor ah ay u dhacdo

Qodobka Lixaad ee Ajandaha Kulanka Hogaamiyayaasha Afrika ay ku leeyihiin Adis Ababa ayaa waxaa lagu sheegey in Madaxweyne Farmaajo lagu cadaadiyo inuu ka qayb galo kulan ay Qabanqaabinayaan Maamul Goboleedyadu si Doorshada Soomaaliya ay u dhacdo wakhtigeeda isla markaasna ay dhamaan Qaybaha ay qusayso ay ugu wada qancaan.

Ila Dublmsiydeed oo ku sugan Adis Ababa ayaa Puntlandi.com u xaqiijyay in Qaramada Midowday ay Afrika ka dalbatay in Qodabkaan lagu daro Ajandaha isla markaasna mudnaan weyn la siiyo.

Sida aan Xogta ku heyno Qaramada Midoobey waxay usoo jeediyeen Hogaamiyaasha Afrika sidaan hoose.

Ururka midowga afrika waa inuu ku cadaadinayaa muqdisho si loo wanaajiyo xiriirka dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyobDowlada Dhexe, Waana in wadada loo xaaraa wada hadalo cusub oo dhexmara Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada, lana sameeyaa qaab la mid ah kii Madasha Hogaanka Qaranka, oo si joogto ah u kulminsiin jiray Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Goboleedyada ka hor doorashooyinka 2016-2017, Wadahadalka noocan ahi iyo Dhismaha Madal Qaran wuxuu saamaxayaa oo keeni karaa heshiis in laga gaaro Khilaafka soo jiitamayay iyo muranka habraaca Doorashada, waa muhiim in Madaxweyne Farmaajo uu maqlaa talooyinka Madaxda Maamul Goboleedyada, Dhismaha Madal Qaranka waa muhiim sida laga dhaxlay Madashii Qaran ee Xukuumadii Madaxweyne Xasan Sheikh xiligiisii, waxaa lagu gaaray isfahan joogto ah.

Wararka kale aan ka helayno Adis Ababa waxay Sheegayaaan in Madaxweynaha Soomaaliland uu la kulmi doono qaar kamida Hogaamiyayaasha Wadamada Afrika oo uu kala hadli doono Aqoonsiga Soomaaliland iyo Suuqyada Ganacsiga.

Puntlandi.com
Adis Ababa