Breaking News Dhul boob ka socda Muqdisho : – Jeneral Bashir Goobe iyo Wasiirada Ciyaaraha Khadiijo Diiriye oo sheegay in Masuuliyiin sar sare xoog ku dhisanayaan Garoonkii Stadium muqdisho !!!

Wasiirkada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mawo Khadiijo Diiriye iyo Mareeyaha Guud ee Hayada Dhismaha Somaaliyeed Jeneraal Bashiir Maxamed Jamac ( Bashiir Goobe) oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubada Cagta ayaa maanta si cad u sheegay in dhul boob xoog lihi uu ka socdo Garoonkii Kubada Cagta ee Caasimada Muqdisho ee Stadium muqdisho.

Masuuliyiintaas oo maanta booqday Garoonka Stadium muqdisho ayaa sheegay in masuuliyiin sar sare oo ay gaabsadeen in ay magacaabaan in ay si xoog iyo awood ah ku dhisanayaan Garoonka Stadium muqdisho.

Masuuliyintaas baa sidoo kale sheegay in dhismahaas sharci darada iyo boobka lagu hayo hantida umadda iyo dhaxalka dhalinyarada ee Garoonka Stadium muqdisho ay ka warqabaan Nadaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhaqanka lagu yaqaano Siyaasada Somaaliya ayey qeyb ka tahay in Sannadka ugu danbeeya ee xiliga kala guurka iyo doorashoohinka uu dhaco boob aad u laxaad weyn oo loogeysto hantida Maaliyadeed iyo mid ma guurtada ( Dhulka Danta Guud ) ee Umadda Somaaliyeed.

Dadka u dhuun daloola arimaha Siyaasada Somaaliya ayaa rumeysan in gulufka Colaadeed ee Xukumada Farmaajo ku qaaday Maamulada Jubbaland iyo Galmudug iyo sidoo kale Aflagaadooyinka Wasiir Goodax u geystay Shacbiga iyo Ardeyda reer Puntland in yihiin ficilo iyo ololeyaal qiiq isku qaris ah oo lagu jahawareerinayo Shacbiga Somaaliyeed si looga sii jeediyo xaalada murugsan ee Dalku ku jiro iyo boobka,dhaca iyo lacag uruursiga ay ku mashquulsan yihiin madaxada qurba joogta aha ee dalka u taliyaa.

Halkan ka daawo qayladii maanta ka soo yeertay Wasiir Khadiijo Diiriye iyo Jeneraal Bashiir Goobe